Ruben Amorim Oo Ka Hadlay Bandhiggii Hojlund Kulankii Saaxiibtinimo Ee Ay Garaaceen Westham

0
53

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha reer Portugal Ruben Amorim ayaa difaacay weeraryahanka Manchester UnitedRasmus Højlund, kaddib ciyaar uu fursado khasaariyay balse uu si adag u dagaallamay.

– Advertisement –

Højlund ayaa birta ku dhuftay laad daqiiqadii ugu horreysay ciyaarta, wuxuuna fursad kale seegay daqiiqadii 15-aad, taasoo keentay in mar kale la dhaleeceeyo.

Amorim ayaa yiri:

“Runtii aad ayaan u jeclahay qaab ciyaareedka Rasmus. Oradkiisa, sida uu u dagaallamay inta lagu guda jiray ciyaarta, mararka uu kaligii la tacaalayo daafacyada, iyo mararka kubbado dheer dheer loo tuuro sida uu saaxiibadiis ula xiriiro.”

“Wuxuu qabtay shaqo fiican.”

Si kastaba, Højlund wali gool kama dhalin Manchester United intii lagu jiray diyaar-garowga xilli ciyaareedka (pre-season), sidoo kalena wuxuu dhibaato kala kulmay gool-dhalinta xilli-ciyaareedkii 2024/25.