Kooxda Tottenham Hotspur ayaa NUS DARSAN goolal ah ku xaaqday 10 xiddig oo naadiga Manchester United ah, kaddib markii ay kaga soo adkaadeen 1-6, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.
Haddaba wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Roy Keane waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Qaab ciyaareedka kulankii Tottenham wuxuu ahaa mid laga xishoodo, waxaa jiray kuwo badan oo khiyaanoolayaal ah, ugu dambeyntii ciyaartoydan waxay caqabad ku noqon doonaan shaqada Ole Gunnar Solskjær”.
“Waxay hoos u dhigeen tababarihii hore, waxayna sidaas oo kale ku sameyn doonaan Ole Gunnar Solskjær”.
Si kastaba ha noqotee, Manchester United ayaa waxay haatan fadhisaa booska 16-aad ee miiska kala sarreynta Premier League, kaddib markii ay badisay hal kulan oo kaliya, islamarkaana laga badiyay labo kulan seddexdii kulan ee ugu horeysay horyaalka.