Roy Keane oo sheegay in Guuldarradii xalay ka soo gaartay Arsenal ay sababi karto in shaqada Man United laga cayriyo Macallin Ole Gunnar Solskjaer

0
249

Tumblr Pinterest Reddit VKontakte Od Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kabtankii hore ee Kooxda Manchester United ee Roy Keane ayaa sheegay in Guuldarradii xalay ka soo gaartay Arsenal ay sababi karto in shaqada laga cayriyo Macallin Ole Gunnar Solskjaer.

Halyeygii hore ee Man United, Roy Keane waxa uu xusay in Tababare Ole Gunnar Solskjaer uu soo dhammaaday waqtigiisii kooxda Manchester United, iyadoo xiddigaha kooxdu ay doonayaan in shaqada laga cayriyo isaga.

Guuldarro 1-0 ayaa ka soo gaartay Arsenal, waxaana ay Gunners xalay soo gabagabaysay 14-sanadood oo aysan ku soo adkaanin garoonka Old Trafford, waxaana lagu ciqaabay qalad uu Pogba ku galay Bellerin, taasoo keentay inuu Pierre-Emerick Aubameyang gool u bedelo gool ku laadka lagu abaal-mariyey.

Man United ayaa ku jirta kaalinta 15-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo leh 7 dhibcood oo kaliya oo ay ka soo heshay lixda kulan ee ugu horreeya xilli ciyaareedka, Keane ayaana heeshay in Ole uu weyn doono booskiisa Man United.

Halyeygii hore ee Man United Roy Keane ayaana yiri: “Xilli ciyaareedkan wuxuu ahaa mid aan u dhisnay samee ama fasax Ole, balse waqtigan la joogo ma’ahna mid u wanaagsan isaga.

“Waxa aan madaxa ka xoqanayaa xiddigaha aan xamaasaddii ciyaarta la hayn, waxaan maanta si dhow u eegay Rashford, qaab hadalka jirkiisuna wuxuu ahaa mid naxdin leh.

“Waxa aan xiddigaha ku xukumayaa ficilladooda, mana arkayo, anigu waligay ma aanan filanin in tababare i dhiirigeliyo, aniga ayaana la iman jiray.

“Ole wuu lumin doonaa shaqadiisa la shaqaynta ciyaartoydan, laga bilaabo caawa iyo maalmaha soo socda, sidaas ayaa dhici doonta.” ayuu u sheegay Keane shabakadda Sky Sports.