Roy Keane Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Kulanka Real Madrid.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal waa in aysan wax cabsi ah ka qabin in Real Madrid ay dib ugu soo laabato Champions League xilli Roy Keane uu ku dhawaaqay in wareega 8da uu yahay mid soo dhamaaday.

Gunners ayaa 3-0 ku hogaamineysa lugtii hore ee ciyaarta ka dib habeen cajiib ah oo ay ku soo ciyaareen Emirates Stadium, taasoo keentay in Declan Rice uu dhaliyay labo laad xor ah ka hor inta uusan Mikel Merino dhalin gool seddexaad.

Madrid waligeed kama soo laaban seddex gool oo looga hormaray Champions League, sida laga soo xigtay Opta, kaliya boqolkiiba afar fursad ay ku gaari karto semi-finalka.

Kooxda reer Spain ayaa wali laga cabsadaa marka la eego in ay samaysay soo laabashooyin badan oo taariikhi h tartanka.

Laakiin Keane ayaa aaminsan in ciyaartoyda Arsenal iyo taageerayaashuba ay si fudud ugu nasan karaan Bernabeu todobaadka soo socda.

“Ciyaarta way dhamaatay, Arsenal 3-0 ayay ku hogaaminaysaa wayna walwalsan tahay – is deji,” ayuu yidhi.

“Tani ma ahan kooxda weyn ee Real Madrid, xitaa kuma guuleysan doonaan horyaalka sanadkan – tani waa koox liita oo Real Madrid ah.”