Roy Keane Oo Magacaabay Labada Koox Ee Iskugu Imaan Doonta Finalka Champions League

0
87

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)- Kabtankii hore ee Manchester United, Roy Keane, ayaa magacaabay labada kooxood ee uu rumeysan yahay inay ciyaari doonaan final-ka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

Tartanka Champions League xilli ciyaareedkan ayaa maraya heerka afar-dhamaadka (semi-final).

Kooxaha Arsenal, Paris Saint-Germain, Barcelona iyo Inter Milan ayaa isugu haray afar-dhamaadka.

Wareegga semi-final-ka Champions League wuxuu bilaabanayaa toddobaadka dambe.

Arsenal waxay la ciyaari doontaa PSG, halka Inter Milan ay la kulmi doonto Barcelona.

Si kastaba ha ahaatee, Roy Keane ayaa aaminsan in ay horey u qoran tahay in Arsenal iyo Barcelona ay finalka ciyaari doonaan bisha May ee sanadkan.

“Final-ka waa Arsenal iyo Barcelona, waa sidii horey loo sii qoray,” ayuu Keane ka yiri qeybtii ugu dambeysay ee barnaamijka The Overlap.

“Real Madrid sidee bay u ciyaarayeen? Dhammaan ciyaartoyda waa ay niyadjabsanaayeen, miyaadan arkin?

“Waxay iska dhacayeen tababaraha, dadka si xoog ah ayay u jiidayeen, wax dhaqdhaqaaq ah lama helaynin. Taas ayaa sababtay in aysan helin wax fursad ah,” ayuu sii raaciyay.

Markii ugu dambeysay ee Arsenal iyo Barcelona ay ku kulmaan final-ka Champions League waxay ahayd sanadkii 2006.

Kooxda Barcelona ee ka dhisan horyaalka Spain ayaa guul ka gaartay Gunners si ay ugu qaaddo koobkaas.