Rooney oo caddeeyey khilaafka u dhexeeya isaga iyo Ronaldo, kaddib wareysigii Cristiano

0
201

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyga Manchester United Wayne Rooney ayaa go’aansaday inuu u jawaabo saaxiibkiisii ​​hore ee Cristiano Ronaldo, kaddib wareysigii uu CR7 siiyay saxafiga England ee Piers Morgan.

Cristiano Ronaldo ayaa weerar dhank afka ah ku qaaday Manchester United kaddib wareysi dheer uu bixiyay oo la daabacay qaybo ka mid ah maalmihii lasoo dhaafay, Wayne Rooney ayaana qeyb ka ahaa hadaladii xanafta lahaa ee kasoo yeeray xiddiga reer Portugal.

Rooney ayaa horay u dhaleeceeyay hab dhaqanka Ronaldo ee Manchester United xilli ciyaareedkan, Cristiano ayaana wareysiga ugu jawaabay, wuxuuna yiri:

“Ma garanayo sababta uu Rooney ii dhaleeceeyo in badan, 6 bilood ka hor wuxuu keenay caruurtiisa halkan wuxuuna la ciyaaray kubbadda wiilkiisa Junior.”

“Ma garanayo inuu sidaas u sameynayo sababa la xiriira inuu rabo shaqo ama inuu ka soo hor muuqdo saaxaafada.”

“Waxaa laga yaabaa inuu hinaasay sababtoo ah wuxuu soo gabagabeeyay xirfadiisa ciyaareed isagoo 30 jir ah, anigana welina waxaan ku ciyaarayaa heerka ugu sareeya.”

Jawaabta Rooney ayaa ahayd mid asluub ​​leh oo uu ugu jawaabay saaxiibkiisii ​​hore ee Manchester United, laakiin waxa uu tilmaamay in qodobka ay isku hayaan ay tahay in xiddiga reer Portugal uu ku qanacsanayn, in da’adiisa ay saameysay heerkiisa ciyaareed.

Rooney ayaa intii uu joogay xaflada Globe Soccer Awards wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Mar walba waxaan dhihi jiray Cristiano waa ciyaaryahan weyn. Isaga iyo Messi malaha waa kuwa ugu fiican taariikhda.

“Ma dhaleecayn isaga, waxa aan iri da’da ayaa ina daba socota dhammaanteen, Cristiano waxaa ku adag inuu arrintan wax ka qabto.”