Rooble oo kulan la qaatay Ra’isul Wasaaraha Britain

0
203

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ra’isul Wasaaraha Britain Boris Johnson.

Labada Masuul waxa ay ka  wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan ,arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka.

Kulanka ayaa waxaa Ra’isul Wasaare Rooble ku weheliyay Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Waxbarashada kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Shirka Caalamiga Waxbarshada ee London.

Rooble ayaa ku sugan London wuxuuna ka qeyb galaya Shir Caalami ah oo ku saabsan horumarinta waxbarashada.