Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanka Istanbuul oo kamid ah Deegaanada dhaca waqooyiga Magaalada kismaayo waxaa uu kamid yahay Deegaanada uu saameenada daran ku yeeshay roobabkii cuslaa ee maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay guud ahaan koofurta Soomaaliya.
Deegaankan oo ay ku nool yihiin boqolaal qoys oo danyar ah kuwaasi oo siyaaba kala gadisan duruufaha adag ee dalka ka jira barakac ahan u soo maciin biday Deegaankan ayaa waxaa ay xilligan ay ku wajahayan saamaynta aan wanaagsaneen ee ka dhalatay roobkii mahiigaanka ahaa ee xilli roobaadka deyrta kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay guud ahaan dalka.
Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya