Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Roobabka xilligga gu’ga ayaa ka curtay meelo ka mid ah gobolada dalkeena Soomaaliya oo bilihii la soo dhaafay ay ka jireen abaaro baahsan oo dhaliyay dhimasho iyo barakac ku yimid dadka iyo xoolaha.
Roobabkan ayaa shalay ilaa xalay ka da’ay deegaanno ka mid ah gobolada Mudug,Gaalgaduud iyo sidokale gobolka Jubada Hoose kaasoo ay ku diirsadeen dadka iyo xoolaha.
Inkastoo dad badan ay ku barakaceen abaarihii ka jiray inta badan gudaha dalka,haddana waxaa la rajeynayaa in qoysas badan ay abaabul u glaan beerashada xilliga gu’ga ee bilaabmay.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya
Audio Player