Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wararka ka imaanayo Magaalada Gaallkacyo ayaa sheegaya in Barakacayaasha ku nool xeryaha ku yaal daafaha magaalada Gaalkacyo ay xalay soo wajahday xaalad adag, ka gadaal markii roobab dabaylo xoogan wata ay ka da’een xarunta gobalka Mudug.
Roobabka xoogan ayaa sababay in ay burburaan guryo jiingado iyo cooshado ka samaynaa oo hoy u ahaa barakacayaasha ku nool Daafaha magalada Gaalkacyo.
Maamulka gobalka, degmada iyo bulshadda ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ayay ka codsanayeen barakacaayasha in la caawiyo maadaama ay san haaysan hooy iyo raashin.