Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Roobabkii deyrta ee ka da’ay qaar kamid ah gobolada dalka ayaa saameyn ku yeeshay dadka ganacsiga yaryar kuleh deegaanka dhoobley.
Ganacsatada waratada loo yaqaano ee ku ag ganacsada agagaarka suuqa caanaha ee dhoobley ayaa sheegay in dhibaato ka heysto goobaha ay ku ganacsadaan oo biyo fadhiisteen, goobaha ay ku ganacsadaan ayaa waxey ka sameysan yihiin cooshado iyo baco, waxaana taasi ay keentay in dadkaasi ay u nuglaadaan biyaha roobka.
Qaar kamid ah ganacsatadaasi oo radio sanguuni lahadlay ayaa sheegay in saamayn caafimaad ay ka dhalan karto biyaha roobku dhigay oo noqday kuwa midibkooda is badalay.
Ganacstadaasi ayaa ka codsaday mamulka magalada in laga cawiyo sidii biyaha hortoda fadhiyo iskaga saari lahaayeen.
Farsowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay