Roobab duufaano wato oo la rajeynayo inay ka da’aan qaybo ka mid ah dalka Kenya.

0
272

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Waaxda saadaasha hawada ee dalka Kenya ayaa uga digtay Kenyaanka inay ka feejignaadaan roobab mahiigaan oo la filayo inay toddobaadkan gudihiisa ka da’aan qaybo ka mid ah wadankaasi.

Warbixin ay soo saartay agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee Kenya Stella Aura, ayaa tilmaameysa in roobabka ay wataan duufaano go’odoomin sameyn karo.

Warbixinta waaxda waxaa sidoo kale qayb ka ah in roobab culus oo heerkoodu lagu qiyaasay in ka badan 50 miliimitir la saadaaliyay inay ka da’aan gobollo ay ka mid tahay caasimadda dalka ee Nairobi.

Stella Aura, agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee wadankaasi ayaa dhanka kale tilmaantay in ismaamullada la filayo in roobab xooggan ay ka da’aan ay kala yihiin Marsabit, Wajeer, Garissa, Turkana, Galbeedka Pokot, Samburu, Isiolo, Elgeyo Marakwet, Laikipia, Meru, Nyandarua, Nairobi, Nyeri, Kirinyaga, Embu, Nakuru, iyo Kericho.