Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Roobaab xoogan oo ka da’ay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sababay in ka badan boqolaal qoys ay ka Barakacaan Guryahooda.
Dadka ay saameeyeen daadadka Roobka ayaa waxaa kamid ah dadka daganaa goobaha biya mareenada ah iyo sido kale dadka Barakacayaasha ah.
Qaar kamid ah dadkii uu saameenada kala duwan ku yeeshay Roobka ka da’ay Degmada Dhoobley oo la hadlay Warbaahinta Sanguuni ayaa kawarbixiyay saamaynanada qaar kamid bulshada kasoo gaartay Roobkii watay daadadka ee ka da’ay Degmada Dhoobley iyagoona Hay’adaha samafalka iyo Maamulka Degmadaba ugu baaqay in garab istaag loo fidiyo dadkaasi.
Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya