Ronald Koeman Oo Magacaabay Labada Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League.

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababarihii hore ee Barcelona ayaa u doortay kooxaha PSG iyo Arsenal inay yihiin kooxaha ugu cad cad ee xilli ciyaareedkan ku guulaysan kara koobka Champions League.

Kooxda PSG ayaa iska xaadirisay Semi-final-ka Champions League kadib markii ay garaaceen kooxda Aston Villa.

Dhinaca kale Barcelona ayaa iska xaadirisay wareega Semi-final-ka kadib markii ay ka badiyeen kooxda Borussia Dortmund.

Arsenal ayaa iyada oo caawa la ciyaari doonta Real Madrid iyaga oo kulankaas galaya iyaga oo 3/0 ku badiyay lugtii hore ee tartanka.

Koeman ayaa rumaysan in Arsenal Iyo PSG ay yihiin kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.

“Waxa jira kooxo u ciyaaraya heer sare sida PSG”Ayuu Koeman yidhi.

“Sidoo kale waxa jirta Arsenal kuwaas oo garaacay Real Madrid kulankii hore sidaas darted waa kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga champions League”.