Sky Sport Italia ayaa shaacisay caawa oo arbaco ah in Lukaku u sheegay Inter inuu doonayo inuu ka tago kooxda una dhaqaaqo kooxdiisii hore ee Chelsea xagaagan.
Inter ayaa rajeyneysa in Lukaku ay ku sii heyso garoonka San Siro, waxaana ay horay u diideen dalab uga yimid Chelsea oo ahaa 100 million euros iyo laacibka reer Spain ee Marcos Alonso, si ay ula saxiixdaan Romelu.
Nerazzurri ma awoodi doonto inay sii heysato Romelu Lukaku, haddii kooxda reer London ee Chelsea ay ka soo gudbiso dalab gaaraya ilaa iyo 130 million euros, sida laga soo xigtay shabakada Sky Sport Italia.
Yeelkeeda, Lukaku wuxuu doonayaa fursad cusub oo Chelsea ah si uu isugu muujiyo kooxda reer London, kaddib markii uu la qaatay Nerazzurri waqtiyadii ugu fiicnaa xirfadiisa.
Lukaku ayaa dhaliyay 64 gool, wuxuuna caawiyay 16 kale, kaddib 95 kulan uu u ciyaaray Inter Milan tartamada oo dhan, kahor inta uusan caawa u sheegin maamulka kooxda inuu doonayo inuu baxo si uu ugu laabto Blues.
Taageerayaasha Inter ayaa diidey fikrada ah in Lukaku uu baxo kaddib shaqadii fiicneyd ee uu qabtay, maadaama uu kooxda ka caawiyay inay ku guuleysato horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkii hore.