Roma oo barbaro ka soo heshay kooxda AC Milan oo ay ku booqatay Giuseppe Meazza…

0
209

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood AC Milan iyo Roma.

Daqiiqadii 2-aa ee bilawga ciyaarta kooxda AC Milan ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Zlatan Ibrahimovic, waxaana goolkan si qurux badan kaga caawiyay Rafael Leao.

Laakiin kooxda martida aheyd ee Roma ayaa heshay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay dheesha Edin Dzeko, iyadoo caawinta goolkan uu lahaa Lorenzo Pellegrini

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 47-aad AC Milan ayaa markale la wareegtay hoggaaminta ciyaarta Alexis Saelemaekers ayaana dheesha ka dhigay 2-1, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Rafael Leao.

Laakiin daqiiqadii 71-aad kooxda AS Roma ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay Jordan Veretout, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay barbardhac 2-2 ah.

Daqiiqadii 81-aad kooxda AC Milan ayaa heshay rigoore waxaana gool ka dhigay Zlatan Ibrahimovic, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 3-2 ay ku hoggaamineysay Rossoneri.

84 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Marash Kumbulla ayaa ciyaarta ka dhigay barbardhac 3-3 ah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-3 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood AC Milan iyo Roma kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Giuseppe Meazza ee dhaca magaalada Milano.

SAWIRRO: 

Image

Image

Image

Image

Image

Image