Rodrygo Oo Qarka U Saaran Inuu Ka Tago Real Madrid; Koox Weyn Oo Premier League Ka Dhisan Ayaa Ku Dhow Saxiixiisa

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sida laga soo xigtay warbixin cusub oo kasoo baxday wariyeyaasha AS ee Spain, weeraryahanka reer Brazil Rodrygo Goes ayaa si aad ah ugu dhow inuu ka dhaqaaqo Real Madrid xagaagan, iyadoo kooxda Tottenham Hotspur ay diyaar u tahay inay ku beddesho booska uu ka baxay Son Heung-min.

⚪️ Isbedelka ka dhacay Spurs oo fursad siiyay Rodrygo:

🇰🇷 Son Heung-min ayaa si lama filaan ah uga tagay Tottenham.

💸 Son wuxuu sanadkii qaadan jiray €11 milyan – lacagtaas hadda diyaar waxaa la ah Spurs, taas waxey sahleysa inay raadsadaan beddel heer sare ah.

🏁 Rodrygo ayaa ah doorashada koowaad ee Tottenham si uu u noqdo xiddiga ugu weyn ee kooxda kadib bixitaankii:

⚽️ Harry Kane

⚽️ Son Heung-min

🤝 Wadahadallo u socda Spurs & Real Madrid:

Guddoomiyaha Spurs, Daniel Levy, ayaa la sheegay inuu rabo in uu qiimo dhimis ka helo Real Madrid si heshiiska Rodrygo uu u hirgalo.

Lama xaqiijin qiimaha rasmiga ah ee Madrid ku dooneyso, balse waxaa la filayaa inuu u dhexeeyo €60–70 milyan.

🔄 Doorashada Rodrygo:

24 jirkaan weerarka ka ciyaara wuxuu dareemayaa in booskiisa Real Madrid uu khatar ku jiro sababo la xiriira:

Tayo sare oo weerarka ah oo uu Xabi Alonso keenay.

Tartanka xoogan ee Vinicius Jr, Endrick, Arda Güler iyo xiddigo kale.

Maxaa la filan karaa?

✅ Tottenham waxay u aragtaa Rodrygo mid noqon kara hoggaamiyaha cusub ee kooxda.

⏳ Maalmaha soo socda ayaa go’aanka ugu dambeeya laga sugayaa.

Haddii heshiisku hirgalo, waxay noqon doontaa mid ka mid ah xilliyada kala iibsiga ugu waaweyn ee Premier League xagaagan.