Roberto Mancini oo ka jawaabay dalabka Manchester United ee ahaa inuu tababare u noqdo

0
274

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Saxafiga lagu kalsoon yahay ee reer Germany Christian Falk ayaa sheegay in Manchester United ay la xiriirtay tababaraha reer Talyaani ee Roberto Mancini saacadihii la soo dhaafay, si uu ugu noqdo badelka Solskjaer ee kursiga tababarka Red Devils.

Sida laga soo xigtay Christian Falk, Roberto Mancini ayaa diiday dalabka kaga yimid Manchester United, sababa la xiriira inuu si buuxda diirada u saarayo shaqada adag uu ka hayo xulka qaranka Italy oo ay tahay inay u dagaalamaan inay u soo baxaan Koobka Adduunka 2022.

Mancini ayaa ka mid ahaa liis dheer oo ay diyaariyeen maamulka Man United, si ay u raadiyaan musharaxiin ku haboon dhamaystirka mashruucan, kaddib markii shaqada laga caydhiyay tababarihii reer Norway ee Ole Gunnar Solskjær oo kooxda soo maamulay saddexdii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Warbixino badan ayaa waxay xuseen inay jiraan magacyada macalimiin badan muhiim ah oo lala xiriirinayo shaqada tababarka ee kooxda Manchester United, sida Mauricio Pochettino, Zinedine Zidane, Julen Lopetegui, Brendan Rodgers iyo Unai Emery.

Michael Carrick ayaa si ku meel gaar ah ula wareegay xilka macalinimo ilaa laga helayo macalinka cusub ee kooxda hoggaamin kara sanadaha soo socda.