Robert Lewandowski oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu wanaagsan sanadka ee IFFHS… (Yuu ku garaacay?)

0
247

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Robert Lewandowski oo dhawaan uun ku guuleystay abaal-marinta Golden Player ee sanadkan 2021 ee uu bixiyo Wargeyska Talyaaniga ah ee Tuttosport, isla markaana la saadaalinayo inuu hanan doono Balon d’Or ayaa sidoo kale maanta loo gacan galiyay abaal-marin kale oo hor leh.

Xiriirka Caalamiga ee Taariikhda Kubbada Cagta iyoTiro-koobyada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (IFFHS) ayaa laacibka reer Poland u aqoonsatay xiddiga ugu fiican Adduunka ee 2021.

Lewandowski ayaana abaal-marintan ay bixiso IFFHS ee laacibka ugu wanaagsan sanadka ku guuleystay sanadkii labaad oo xiriir ah.

33-sano jirkaan Weerarka uga dheela Kooxda Bayern Munich ayaa abaal-marintan ku garaacay Lionel Messi iyo Jorginho oo kala galay labaad iyo saddexaad.

Codadkii la dhiibtay waxa uu Lewandowski helay 150 cod, halka Leo Messi oo kaalinta labaad ka soo muuqday uu helay 105 cod, waxaans booska saddexaad soo ciriirsaday Jorginho oo helay 40 cod.

Halkaan hoose ka eeg sida codadka loo kala helay iyo kaalimaha ay xiddigihii tartamayey kala galeen:-

No Magaca ciyaaryahanka Dalka Kooxda Dhibcaha
1 Robert LEWANDOWSKI Poland FC Bayern München 150
2 Lionel MESSI Argentina FC Barcelona/Paris SG 105
3 JORGINHO Italy Chelsea FC 40
4 Kevin DE BRUYNE Belgium Manchester City FC 35
5 Mohamed SALAH Egypt Liverpool FC 20
Kylian MBAPPE France Paris SG 20
7 Cristiano RONALDO Portugal Manchester United FC 15
8 N’Golo KANTE France Chelsea FC 10
Gianluigi DONNARUMMA Italy Milan AC/Paris SG 10
10 Erling HAALAND Norway Borussia Dortmund 5