Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu xasuuqay waddanka Spain, waxaana 3-0 ku burburisay Sevilla oo ay marti ugu ahaayeen lugta labaad ee wareegga siddeedda Europa League, xilli uu Harry Maguire dhibaato ku noqday kooxdiisa.
Lugtii hore ee labada kooxood ayaa ku dhamaatay barbarro 2-2 ah oo waqti dambe ay goolasha iska dhaliyeen Malacia iyo Maguire, waxaaana mar kale ay Manchester United bixisay hadiyado ay siisay Sevilla oo uu waqti hore Harry Maguire kubbad u hibeeyey Youssef En-Nesyri oo uu usbuucii horena goolka ugu leexiyey kubadda goolkii dhamaadka.
Waxa labada gool ee kale ku daray Loic Bade oo goolka labaad saxeexay iyo Youssef En-Nesyri oo mar kale shabaqa soo taabtay isaga oo kubbad hadiyad ah ka helay goolhaye David De Gea oo meel cidlo ah ugu dhiibay kubbad uu aadyar ka dul-qaaday oo uu shabaqa oo madhan ku hubsaday, sidaas ayaanay Sevilla ugu soo gudubtay guul 5-2 ah isku-darka labadii ciyaarood ee labada garoon.
Manchester United oo hore usoo reebtay Barcelona iyo Real Betis ayaa waxa bahdilkan u geysatay oo uga aargoysay Sevilla oo ah kooxda ugu badan tartanka Europa League oo ay lix jeer ku guuleysatay.
Dhinaca kale, waxa soo gudubtay Bayer Leverkusen oo uu tababare u yahay Xabi Alonso, waxaanay 4-1 ku burburisay naadiga reer Belgium ee Union Saint-Gilloise oo ay waliba marti u ahayeen.
Laba gool oo qaybtii hore ay kala dhaliyeen Moussa Diaby yo Mitchel Bakker iyo laba ay qaybtii labaad ku dareen Adam Hlozek iyo eremie Frimpong ayaa Bayer Leverkusen siiyey guul 4-1 ah, iyadoo lugtiii hore ee labada kooxood ay kusoo dhamaatay barbarro 1-1, waxaanay taasi ka dhigan tahay in kooxda reer Germany ay kusoo gudubtay 5-2.
Waxa kale oo si dhib badan kusoo baxday Juventus oo barbarro 1-1 ah la gashay Sporting Lisbon, laakiin gool ay lugtii hore dhalisay Old Lady ayaa u ogolaaday inay soo gudbaan.