Naadiga Los Blancos ayaa ku adkeysaneysa inay u kordhiso kabtanka kooxdeeda qandaraas hal xilli ciyaareed oo kaliya ah, halka Ramos uu dalbanayo labo xilli ciyaareed.
Haddaba halyeeyga reer Brazil ee Rivaldo ayaa ka hadlay suurtagalnimada uu daafaca Real Madrid ee Sergio Ramos ugu dhaqaaqi karo kooxda Barcelona inta lagu guda jiro suuqa xagaaga ee soo socda.
Xiddigii hore kooxda Barclona ayaa wareysi uu ku bixiyay Radio “Cadena SER” wuxuu ku yiri:
“Layaabi maayo haddii Sergio Ramos uu ka fikiro inuu ka tago Real Madrid, laakiin ila muuqato inaan ku arki doono koox ka tirsan Horyaalka Spain”.
“Wuxuu aadi karaa kooxo waa weyn oo Yurub ah, maxaa yeelay 15 xilli ciyaareed kadib Ramos wuxuu noqday kabtanka Real Madrid iyo tixraacooda”.
Intaas kaddib Rivaldo ayaa la weydiiyay su’aal ah suurtogalnimada uu Ramos ugu dhaqaaqi karo Barcelona, wuxuuna ku jawaabay.
“Kiiska Ramos waa fursad fiican oo ay Barcelona uga jawaabi karto wixii ka dhacay heshiiskii Luis Figo? Uma arko, tani uma badna, sida aad ugu maleyn karto in u dhaqaaqista Gerard Piqué ee kooxda Real Madrid ay tahay wax aan macquul aheyn”.