Rio Ferdinand oo Saadaaliyay Booska Ay Man United Ku Dhameysan Doonto Premier League Xilli Ciyaareedka Cusub

0
162

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyga Manchester United Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay in kooxdiisii hore ay si wanaagsan uga soo kaban doonto kaalintii liidatay ee xilli ciyaareedkii hore ee 2024/25 – markaasoo ay ku dhameysteen kaalinta 15aad, seddex boos oo kaliya ayey ka sarreeyeen aagga hoos u dhaca.

Ferdinand oo ka hadlayay barnaamijkiisa podcast-ka, ayaa yiri:
“Waxaan filayaa inay galaan kaalinta 7aad ama 8aad.”
Wuxuu intaas ku daray shuruud muhiim ah:
“Haddii aan helno hal ama labo saxiix oo kale, fadlan i xusuusiya markaas si aan u beddelo fikirkeyga.”

Tababaraha cusub ee United, Rúben Amorim, ayaa durba suuqa kala iibsiga kasoo qaatay xiddigaha Matheus Cunha iyo Bryan Mbeumo, kuwaasoo qayb ka noqonaya dib u dhiska kooxda.

Waxaa la aaminsan yahay in Amorim uu doonayo weeraryahan cusub si uu tartan u geliyo Rasmus Højlund iyo Joshua Zirkzee, iyadoo wararku sheegayaan in Man United ay hadda bartilmaameed ka dhigatay laba magac oo kala ah:

  • Ollie Watkins (Aston Villa)
  • Benjamin Šeško (RB Leipzig)

Inkasta oo xilli ciyaareedkii hore uu ahaa mid niyad jab leh oo aan laga gaarin wax guul ah, Ferdinand wuxuu rumeysan yahay in kooxda ay horumar sameyn doonto haddii la helo saxiixyo macquul ah oo ka turjumaya baahida dhabta ah ee kooxda.