Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyga Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa shaki weyn ka muujiyay in kooxda uu horey uga tirsanaa ay la saxiixato weeraryahanka Sporting CP, Viktor Gyokeres.
Isagoo ka hadlayay podcast-kiisa, Ferdinand wuxuu yiri:
“Anigu ma aaminsani inuu yahay ninka saxda ah. Ma daawanin marar badan, balse saddex jeer ayaan si dhow u daawaday ciyaartiisa. Saddexdaas jeer waxaan is iri, ‘Fursad sidan ah kama helayo Premier League-ka.’”
Wuxuu intaas ku daray: “Markii aan arkay awoodiisa jireed, maxaa kale oo uu hayaa? Ma jirtaa wax ku filan oo uu ku dhalin karo gool haddii uu xoogiisa u adeegsado difaacyada Premier League?”
Gyokeres ayaa horey u joogay England, isagoo waqti la qaatay Brighton iyo kooxo kale oo heerka labaad ah, balse weligii fursad uma helin Premier League.
Man United ayaa xiisaynaysa weeraryahanka reer Sweden, balse hadalka Ferdinand wuxuu dhaliyay doodo badan oo ku saabsan suurtagalnimada uu Gyokeres kaga dhex iftiimi karo Old Trafford.