![](https://goolfm.net/wp-content/uploads/2020/09/med.jpg)
Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay in uu dhaliyo gool kulankii ay xalay kooxdiisa guusha ka gaartay naadiga Villarreal.
Barcelona ayaa xaaqday kooxda Villarreal oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, xilli Blaugrana ay gacanta ku dhigtay saddexdeeda dhibcood ugu horeysay horyaalka La Liga ee kal ciyaareedkan cusub 2020/21.
Sida laga soo xigtay Shabakada “Opta” ee looga haray sameynta rikoorrada iyo tirakoobyada Lionel Messi ayaa noqday ciyaaryahankii afaraad ee taariikhda Horyaalka Spain gool dhaliya 17 xilli ciyaareed oo isku xigta, kaddib Agustín Gaínza 19 xilli ciyaareed, Carlos Alonso Santillana 17 xilli ciyaareed iyo Sergio Ramos 17 xilli ciyaareed.
Messi ayaa lagu tiriyaa inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu waqtiga dheer kooxda Barcelona, waana 17 xilli ciyaareed, waxaana taas la wadaaga Xavi Hernandez iyo Carles Rexach.