Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul waqti dambe ah ka gaadhay Espanyol oo ay marti u ahayd, waxaana libintan isku suntay Karim Benzema oo dhamaadkii ciyaarta is-raaciyey laba gool oo daran-doorri ah oo uu ku niyad-jabiyey jamaahiirta garoonkooda joogay ee ku riyoonayey inay dhibicda xoogsanayaan.
Los Blancos ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga, kaddib laba gool oo ay labadii qaybood u kala dhaliyeen Vinicius Junior iyo Karim Benzema, halka kooxda reer Catalonia ee Espanyol ay ciyaarta ku dhamaysatay toban ciyaartoy oo casaan lagaga saaray goolhayaheedii Benjamin Lecomte oo waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta qalad ku galay Dani Ceballos.
Vinicius Junior ayaa daqiiqaddii 12aad hoggaanka u dhiibay Real Madrid isaga oo dhamaystiray baas qurux badan oo uu ka helay Aurelien Tchouameni oo goolka u hordhigay kubbad uu hal taabasho oo kaliya ku weydaariyey goolhaye Lecomte.
Laacibka reer Brazil ayaa dhawr fursadood oo kale oo dahabi ahaa lumiyey ka hor intii aanay Espanyol helin goolkeeda barbarraha oo uu dhaliyey Joselu laba daqiiqadood ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada.
Espanyol oo ku ciyaaraysay cidhiidhi badan ayaa waxay u dhowaatay in ay hoggaanka ciyaarta qabato markii lagu soo noqday qaybta labaad, waxaase Real Madrid la baxsaday goolhaye Thibaut Courtois oo kubbado goolal loo filanayay ka diiday in Espanyol ay shabaqiisa gaadhsiiso.
Daqiiqaddii 88aad ayuu Karim Benzema hoggaanka usoo celiyey kooxdiisa Real Madrid, isaga oo lugta midig ku dhamaystiray baas uu dhinaca bidix uga soo dhiibay Rodrygo.
Goolkan ayaa noqday midkii labaad ee uu Karim Benzema ka dhaliyo horyaalka LaLiga xilli-ciyaareedkan, waxaana uu ugu dabbaal-degay si weyn maadaama laga diiday gool hore oo offside ahaa oo uu Toni Kroos kubadda ugu dhiibay goolka hortiisa.
Lix daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ciyaarta ayaa musiibo ku noqday Espanyol, waxaana isku raacay casaan iyo gool niyad-jab ku riday.
Goolhaye Benjamin Lecomte ayaa qalad ku galay Dani Ceballos oo uu lugta ka laaday isaga oo kubbad ka hor qaatay oo xerada ganaaxa lasii gelaya, waxaana laga soo daawaday VAR oo garsooraha oo markii hore aan wax qalad ah dhigin ku qasabtay inuu casaan siiyo goolhayaha, iyadoo Real Madrid na loo dhigay laad xor ah oo laynka dushiisa ah.
Espanyol ayaa goolka gelisay mid ka mid ah ciyaartoydeeda, waxaana Karim Benzema oo laadka xorta ah qaatay uu shabaqa ku hubsaday kubaddaas,
Real Madrid ayaa yeelatay 9 dhibcood oo ay ka urursatay saddexdii kulan ee ay ciyaartay, waxaanay haysaa hoggaanka horyaalka LaLiga iyaga oo farqiga dhibcaha kaga horreeya Real Betis, halka Barcelona ay saddexaad ku jirto oo ay toddoba dhibcood leedahay.