Real Madrid Oo U Soo Baxday Finalka Club World Cup Ka Dib Guul Ay Ka Xasuuqeen Al-Ahly.

0
141

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Real Madrid  ayaa u soo baxday finalka Club World Cup ka dib markii ay semi-finalka garaaceen kooxda Al Ahly ee ka dhisan dalka Masar iyagoo ku dubtay 4-1.

Goolal ay kala dhaliyeen Vini Jr, Valverde, Rodrygo iyo Arribas ayay Real Madrid ku xaqiijisatay guusha iyagoo si fudud ku dhaafay kooxdii Afrika mataleysay.

Wiilasha Ancelotti ayaa ahaa kuwa fiican ciyaarta xilli ay Al-Ahly kaliya difaac ku jirtay isla markaas ku dhibaatootay in ay wax saamayn ah ku yeelato ciyaarta.

Kadib dadaalo dheeraad ah oo aan kala joogsi lahayn Los Blancos ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 42-aad waxana goolka u dhaliyay xiddiga Vini Jir kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid hogaaminayso ciyaarta natiijo ahaan iyo qaab ciyaareed ahaanba.
Qaybta dambe ayay Real Madrid si dar-dar leh ku bilabaatay ciyarta iyaga oo doonayay in ay dilaan ciyaarta isla markaas dhaliyaan goolal kale.

Daqiiqadii 46-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Vede Valverde kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartanaka ka dhigay 2/0.

Kooxda Al-Ahly ayaa heshay dhiiri galin kadib markii daqiiqadii 65-aad loo dhigay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Ali Maâloul kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa.

Real Madrid ayaa sii maamulista ciyaarta waxana ay raadinayeen goolal kale oo ay ku dilayaan rajada kooxda Al-Ahly kuwaas oo dhiiraday kadib goolka.

Los Blancos ayaa daqiiqadii 85-aad heshay rikoodhe waxana u istaagay xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric laakiin waxa si cajiib ah u badbaadiyay Goolka Goolhayaha Al-Ahly ee Mohammed El Shenawy.

Real Madrid ayaa sii waday raadinta goolal kale xilli kooxda Al-Ahly ay dhinacooda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 90+2-ad ayay Real Madrid hurdo u dirtay ciyaarta waxana ay dhaliyeen goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Xiddiga Da’yarka ah ee Sergio Arribas ayaa daqiiqadii 90+8-aad dhaliyay goolka 4-aad isaga oo gool u badalay kubadii ugu horaysay ee uu taabtay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid iska xaadirisay Final-ka tartanka isla markaas sabtida la ciyaari doonto kooxda Al-Hilal kulanka Final-ka.