Real Madrid oo u gudubtay wareega siddeeda ee Champions League kaddib markii ay guul ka gaartay kooxda Atalanta

0
217

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.

Daqiiqadii 34-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay dheesha Karim Benzema, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Luka Modric.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

60 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Real Madrid ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay Sergio Ramos dheesha ayaana sidaas ku noqotay 2-0 ay ku hoggaamineysay Los Blancos.

Daqiiqadii 83-aad kooxda Atalanta ayaa heshay gool kaddib markii uu dheesha ka dhigay 2-1 xiddigooda Luis Muriel.

Laakiin 85 daqiiqo marka ay dheesha mareysay waxaa ciyaarta soo afjaray Marco Asensio oo caawin ka helay Lucas Vazquez, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay Los Blancos.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Real Madrid kaga adkaatay kooxda Atalanta oo ku soo booqatay garoonka Alfredo Di Stefano, Los Blancos ayaa cel-celis ahaan labada kulan waxay ku soo baxday 4-1.

SAWIRRO:

Image

Image

 

Image

Image