Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa usoo gudubtay semi-finalka Champions League kaddib markii ay 4-0 ku garaacday Chelsea isku-darka labadii lugood ee labada garoon. Waxa kale oo soo gudubtay AC Milan oo barbarro 1-1 ah la gashay Napoli balse ciyaartii hore kusoo badisay 1-0, taas oo wadarta labada lugood ka dhigtay 2-1.
Kooxda koobka difaacanaysa ee Real Madrid ayaa laba gool oo qurux badan waxa qaybtii labaad uu saxeexay Rodrygo Goes waxay kaga takhalustay Chelsea oo ay ku booqatay Stamford Bridge oo ciyaartii hore ee ka dhacday Santiago Bernabeu ay kusoo karbaashtay 2-0, taas oo wadarta labada lugood ka dhigtay 4-0.
Chelsea oo qaybtii hore si fiican u maamulaysay ciyaarta ayaan ka faa’iidaysanin fursado badan oo ay heshay oo qaarkood la garan waayey sida ay goolka ula seegeen, halka Real Madrid oo birta garaacday qaybta hore ay goolasheedu yimaaddeen qaybta dambe.
N’Golo Kante ayaa birta garab mariyey kubbad uu ka helay goolka hortiisa oo uu lugta bidix ku qabtay, taas oo inta uu dhulka kusii dhuftay uu goolhaye Thibaut Courtois garan waayey meel uu u raaco, laakiin nasiib-darro waxay garab martay birta.
Marc Cucurella ayaa fursaddii labaad ee ugu fiicnayd ee ay Chelsea hesho ka lumiyey qaybta hore, isaga oo kubbad uu goolka hortiisa ka helay uu ka badbaadiyey goolhaye Thibaut Courtois, waxaanay ahayd badbaadinti ugu fiicnayd ee ciyaarta.
Rodrygo Goes ayaa ka jawaabay oo birta garaacay qaybta hore xilli uu kubadda weydaariyey goolhaye Kepa Arrizabalaga, hase yeeshee Luka Modric ayaa isaguna darbad xooggan faraha ku caseeyey goolhayaha reer Spain taas oo uu u saaray koorne.
Qaybta labaad ayay furfurantay ciyaartu oo ay Real Madrid gacanta sare yeelatay, inkasta oo Eder Militao uu badbaadiyey kubbad koorne ahayd oo Gallagher iyo Kai Havertz ay mkadax kusoo dhufteen.
Chelsea ayaa ku doodday in kaadh casaan ah la siiyo Eder Militao daqiqaddii 54aad oo uu qalad ku galay Chalobah laakiin garsooraha ayaa ku adkaystay in aanu ahayn qalad lagu bixiyo kaadh noocaas ah. Militao ayaa hore u haystay kadh uu ku maqnaan doono ciyaarta lugta hore ee wareegga semi-finalka Champions League.
Daqiiqaddii 58aad ayaa uu Rodrygo kubbad ka tuurtay Chalobah oo isasoo daadiyey, waxaanu goolka u hordhigay Karim Benzema, balse waxa kubadda helay Vinicius oo isaguna goolka hortiisa usoo dhigay Rodrygo oo lugta bidix ku dhamaystay.
ALLA MUXUU GOOL AHAA: Goolkan ayaa waxay isku nooc ahaayeen fursaddii uu khasaariyey N’Golo Kante waxaana cidhidhi ku jiray Rodrygo marka loo eego halkii uu taagnaa Kante oo cidlo ahaa.
Chelsea ayaa ku doodday rkoodhe markii uu Kai Havertz ku dhacay xerada ganaaxa isaga oo iska dhigaya in Luka Modric uu lugta u dhigay balse garsooraha dhexe iyo VAR oo soo hubisay ayaa isku raacay inuu istuuray.
GOOOAAAALLLLLLLLL!!! Real Madrid 2-0 Chelsea!!! Real Madrid ayaa sii dheeraysatay hoggaanka waxaanay keensatay gool labaad oo uu u dhaliyey Rodrygo oo kubbad hadiyad ah uu goolka hortiisa usoo dhigay Federico Valverde oo u hanneeyey saaxiibkii isaga oo dhalin karaya.
Viinicius Junor ayaa laba kubbadood kula baxay goolka balse khasaariyey, halka Mykhailo Mudryk uu birta garab mariyey kubbad uu ula tegay goolhaye Thibaut Courtois.
Dhinaca kale, AC Milan ayaa kusoo baxday natiijo 2-1 ah isku darka labadii lugood ee labada garoon iyadoo Napoli ay waqti dambe keentay gool madi ah sidoo kalena uu dhikoodhe ka lumiyey Kvaratskhelia dhamaadka ciyaarta oo ay siddeed daqiqadood ka hadhsantahay.
AC Milan ayaa goolka la hormartay, waxaana qaybtii hore u dhaliyey Olivier Giroud oo hadiyad ka helay Rafael Leao oo dersin difaaca Napoli ah soo jiidhay, halka kooxda martida ah uu goolkeedu yimid waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta.
Real Madrid ayaa waxay sugaysaa oo ay semi-finalka la ciyaari doontaa Manchester City iyo Bayern Munich midkooda soo gudba halka AC Milan ay sugayso Inter Milan iyo Benfica midkooda soo baxa Arbacada