Real Madrid Oo Shaacisay Qorshaheeda Cusub Ee Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saxafiga Rodra ayaa daaha ka qaaday mowqifka kooxda Real Madrid ee ku aaddan saxiixyo cusub xagaagan, isagoo sheegay in kooxda boqortooyada ay illaa hadda la soo saxiixatay afar ciyaaryahan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in maamulka sare ee Real Madrid oo uu hoggaaminayo Florentino Perez, uu go’aansaday inuusan samayn wax saxiixyo cusub ilaa ay iibiyaan ciyaartoy, si loo ilaaliyo dheelitirka dhaqaale ee kooxda.

Ilo wareedku waxay intaa ku dareen in kooxda weli baadi-goobayso khad dhexe oo dheeraad ah, islamarkaana ay suuqan ku sii jiri doonaan ilaa maalinta ugu dambeysa ee suuqa kala iibsiga, inkastoo aysan weli go’aansan ciyaaryahan gaar ah.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo maamulka Perez uu doonayo in la ilaaliyo xasilloonida maaliyadeed, kaddib markii Real Madrid ay horey u sameysay saxiixyo muhiim ah xagaagan.

Ugu dambayn, Rodra wuxuu sheegay in Rodri — oo ka tirsan Manchester City — uu yahay ciyaaryahanka riyada Perez, balse heshiiskaasi uu yahay mid aan suurtagal ahayn waqtigan.