Real Madrid Oo Shaacisay Qorshaha Ay Kusoo Qaadaneyso Xiddig Laf-dhabar U Ah Manchester City

0
54

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa diyaar u ah inay miiska saarto €100 milyan si ay ula soo saxiixato khadka dhexe ee Manchester City, Rodri, haddii uu xagaagan noqdo ciyaaryahan la heli karo, sida laga soo xigtay El Larguero.

Rodri, oo qandaraas kula jira Man City ilaa xagaaga 2027, ayaa illaa hadda ka caga-jiidaya inuu qalinka ku duugo heshiis kordhin. Haddii uu diido inuu cusbooneysiiyo ugu yaraan ilaa 2026, qiimihiisa suuqa ayaa si weyn hoos ugu dhici doona xilli uu geli doono sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa.

Manchester City ayaa sidaas darteed qorsheyneysa in ay wax kasta u sameyso si ay u cusbooneysiiso qandaraaskiisa, ama haddii kale ay ku fasaxdo lacag sare oo ah mid ay uga faa’iideysan karaan ka hor inta uusan si bilaash ah uga tagin mustaqbalka dhow.

Dhanka kale, Real Madrid waxay si cad u go’aansatay inaysan la saxiixan doonin ciyaaryahan dhexe, haddii uusan ahayn Rodri. Maamulka Los Blancos ayaa rumeysan in aysan weli helin ciyaaryahan si buuxda u buuxin kara booskii Toni Kroos, oo ka fariistay kubadda cagta xagaagan.

Waxay aaminsan yihiin in Rodri – oo 29 jir ah – uu yahay ciyaaryahanka kaliya ee leh qaabka, tayada, iyo waayo-aragnimada uu lahaa Kroos, taasoo ka dhigaysa bartilmaameedka kaliya ee muhiimka ah ee khadka dhexe xagaagan.