Real Madrid oo saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Rayo Vallecano oo ay booqatay

0
401

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Real Madrid ayaa saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Rayo Vallecano oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Rayo Vallecano iyo Real Madrid ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 83-aad Real Madrid ayaa waxaa hoggaanka u dhiibay weeraryahankooda K. Benzema oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis V. Junior, dheesha ayaa waxay sidaas ku noqotay 0-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Real Madrid, kooxda Rayo Vallecano oo ay ku booqatay garoonka Estadio de Vallecas, Los Blancos ayaa 7 dhibcood nadiif ah ka sareysa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Sevilla, waxayna leedahay 58 dhibcood.