Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Mallorca oo ay booqatay kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, ciyaar ka tirsaneyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Spain.
Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Mallorca iyo Real Madrid ku kala nassteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 55-aa Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay V. Junior kaddib markii uu ka caawiyay goolkan saaxiibkiis K. Benzema.
77 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Real Madrid ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay weeraryahankooda K. Benzema.
Benzema oo markan ay caawin kag timid saaxibkiis Marcelo ayaa daqiiqadii 82-aad wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxda Real Madrid wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay Real Madrid kooxda Mallorca oo ay booqatay, Los Blancos ayaa haatan ku hoggaamineysa kala sarreynta horyaalka 64 dhibcood, waxayna 8 dhibcood ka sarreysa Sevilla oo kaalinta labaad ku jirta.