Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka codsatay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, in isbeddel lagu sameeyo waqtiga ciyaarta ugu dambaysa horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, si garoonkeeda Santiago Bernabeu loogu diyaariyo bandhig faneed ay ku qaban doonto fannaanadda Taylor Swift.
Los Blancos ayaa waxa ciyaarteeda ugu dambaysa xilli-ciyaareedka 2023/24, waxa ay garoonkeeda Santiago Bernabeu ku martigelin doontaa Real Sociedad, waxaana uu qorshuhu yahay in ciyaartaasi ay dhacdo maalinta Axadda ee May 30.
Laakiin Real Madrid ayaa doonaysa in ciyaartaas loogu soo qaddimo maalinta Sabtida ee May 23, si ay u hesho waqti garoonka loogu diyaariyo bandhig-faneedak fannaanadda caanka ah ee Taylor Swift oo hore loogu qorsheeyey in bandhiggeeda oo loogu magac-daray ‘The Eras Tour’ uu garoonkan ka qabsoomo 30ka May, 2024.
Sida muuqata, waqtiga ciyaarta Real Betis iyo bandhig-fineedka Taylor Swift ayaa isku beegan, waxaana ay Real Madrid doonaysaa in LaLiga ay ogolaadaan inay hore ugu soo dhigaan hal usbuuc waqtiga ciyaartaas, si fursad ay ugu helaan in garoonka laga qaado doogga oogada, sidoo kalena badhtamaha garoonka looga dhiso masrax, iyadoo sidoo kalena isbeddel lagu samaynayo halka ay daawadeyaashu fadhiisanayaan.