Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Walow uu Carlo Ancelotti markale xaqiijiyay inaysan wax saxeexyo ah samayn doonin suuqa bisha January balse waxa jiri kara ciyaartoy Real Madrid ka baxa.
Iyadoo wakhti aad u mashquul badani kusoo socdo Real Madrid oo ay waliba shan tartan oo kala duwan ka qayb qaadan doonto ayay u baahan doontaa dhammaan xiddigaheeda si ay uga baxdo wakhtigaas.
Iyadoo ay sidaasi jirto ayuu wargeyska Fichajes sheegay in Los Blancos ay suuqa dhigeen xiddigaha kala ah khadka dhexe ee Dani Ceballos iyo garabka weerar ee Marco Asensio.
Ceballos ayaa isagu ahaa mid keyd ka ah oo aan marnaba shaxda joogtada ah soo galin tan iyo markii uu Madrid kaga yimid Real Betis sanadkii 2017.
Dhinaca kale Asensio ayaa isaguna xilli ciyaareedkan kusoo dhibtooday inuu joogto ka noqdo shaxda tababare Carlo Ancelotti.
Asensio ayay Real Madrid ka doonaysaa inuu heshiis kordhin sameeyo balse dalbanaya in loo ballanqaado wakhti ciyaareed intan ka badan.
Asensio ayaa gudaha xilli ciyaareedkan lala xidhiidhinayay kooxda Madrid xifaaltanku kala dhaxeeyo ee Barcelona isagoo mar diiday inuu meesha ka saaro suurogalnimada uu ugu biiri karo.