Real Madrid Oo La Wareegtay Hoggaanka Horyaalka LaLiga Xilli Karim Benzema Uu Ku Goolal Tirsaday Cadiz.

0
184

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga kaddib guul raaxo leh oo ay ka gaadhay Cadiz oo ay marti u ahayd.

Laba gool oo midkood rikoodhe ahaa oo uu dhaliyey Karim Benzema iyo midka saddexaad oo uu ku daray Alvaro Odriozola ayaa Real Madrid gacanta u geliyey guul 3-0 ay oo ay kasoo gaadhay Cadiz oo joogta garoonkeeda Estadio Ramon de Carranza.

Kulankan oo uu Zinedine Zidane isbeddello badan ku sameeyey safkiisa oo ay dhaawacyo kaga maqnaayeen Toni Kroos iyo Luka Modric, ayaa waxay Los Blancos hoggaanka qabatay daqiiqaddii 30aad, markaas oo difaaca Cadiz ee Isaac Carcelen uu qalad ku galay Vinicius Junior, kaas oo markii hore uu garsooruhu tilmaamay in ay ciyaartu socoto balse lagala soo hadlay VAR, waxaana gool u beddelay Karim Benzema.

Saddex daqiiqadood oo kaliya kaddib ayaa kubbad uu Karim Benzema ka shaqeeyey, waxa helay Alvaro Odriozola oo goolka labaad u saxeexay kooxdiisa, ka hor intii aanu Karim Benzema madax ku dhalin goolka saddexaad daqiiqaddii 40aad ee qaybta hore.

Saddexdan gool ee tobanka daqiiqadood gudahood ay ku dhalisay, ayaa Real Madrid siiyey guusha aanay aadka ugu dhibaatoonin ee ay ka gaadhay Cadiz.

Real Madrid ayaa yeelatay 70 dhibcood oo ay kula wareegtay hoggaanka horyaalka, waxaanay ka  hormartay Atletico Madrid oo ay isku dhibco yihiin balse kulankeeda usbuuca ciyaari doonta habeen dambe. Barcelona oo kaalinta saddexaad fadhida ayaa haysata 65 dhibcood, waxaase gacanta ugu jira laba ciyaarood oo haddii ay guuleysato ay hal dhibic dhaafi doonto Real Madrid.

Shaxdii labada kooxood

REAL MADRID (3-4-3): Thibaut Courtois; Nacho Fernandez, Raphael Varane, Eder Militao; Alvaro Odriozola, Antonio Blanco, Casemiro, Marcelo; Rodrygo Silva, Karim Benzema, Vinicius Junior.

Kaydka: Daniel Carvajal, Marco Asensio, Andriy Lunin, Isco, Mariano Diaz, Diego Altube, Sergio Arribas, Victor Chust, Miguel Gutierrez.

CADIZ (4-3-3): Jeremias Ledesma; Isaac Carcelen, Fali, Marcos Mauro, Alfonso Espino; Jens Jonsson, Jose Mari, Jario Izqueirdo; Salvi Sanchez, Alvaro Negredo, Ruben Sobrino.

Kaydka: Jon Ander Garrido, Anthony Lozano, Jorge Pombo, Ivan Saponjic, David Gil, Ivan Alejo, Carlos Akapo, Juan Cala, Augusto Fernandez, Pedro Alcala, Filip Malbasic, Alex Martin.

Faahfaahinta ciyaarta

Real Madrid ayaa qaybtii hore ee ciyaarta heshay fursado badan iyadoo dhawr jeer halis gelisay goolka Cadiz, hase yeeshee kooxda garoonkeeda joogtay ayaa iyaduna dedaal badan samaynaysay oo kubbado degdeg ah xerada ganaaxa geynaysay.

Cadiz ayaa goolhaye Courtois ku tijaabisay kubbad halis ahayd oo uu dhulka iskula tuuray, hase yeeshee waxa kasoo jaray Karim Benzema iyo Vinicius Junior oo ahaa khatarta ugu weyn ee ay Cadiz waajahaysay.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!! BENZEMA !!!! 1-0 MADRID!!!! Los Blancos ayaa hoggaanka ciyaarta ku qabatay rikoodhe muran dhaliyey oo uu Karim Benzema gool u beddelay iyadoo kubaddana uu goolhaye Ledesma sii taabtay balse ay xoog ku dhaaftay.

Real Madrid ayaa saddex daqiiqadood kaddib ciyaarta ka dhigtay 2-0, waxaana gool labaad u dhaliyey Alvaro Odriozola oo madax ku qabtay kubbad uu Karim Benzema kasoo shaqeeyey.

Casemiro ayaa  lumiyey fursad qaali ahayd, waxaana kubbad ay isku soo dhiibeen Rodrygo iyo Benzema ay ugu dambayntii usoo qaadeen Casemiro oo goolka loo hor-dhigay, waxaase cidhiidhyey goolhayaha oo kusoo baxay iyo difaaca Cadiz ee Mauro, waxaanu kubadda oo uu laaday ay dhinaca ka martay goolka.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!! BENZEMA ayaa madax ku dhaliyey goolka saddexaad!!!!! 3-0!!!! Real Madrid ayaa toban daqiiqadood gudahood dhalisay goolkeedii saddexaad, waxaana kubbad uu soo qaaday Casemiro madax ku qabtay Karim Benzema oo hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa.

Mariano Diaz oo beddel kusoo galay ayaa lumiyey fursad qaali ahayd, waxaana kubadda uu ula tegay goolhayaha oo uu dhaafay, hase yeeshee goolka oo madhan oo uu toogtay ayay kubadda hor-martay, halkii ay ku leexan lahayd.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday Real Madrid oo si ku-meelgaadh ah ula wareegtay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga.