Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Mdrid ayaa guul raaxo leh ka gaadhay Almeria oo ay ku karbaashtay Santiago Bernabeu kulan uu taariikh sameeyey Karm Benzema oo saddexlay goolal ah dhaliyey qaybtii hore, waxaanay siddeed dhibcood usoo jirsadeen Barcelona oo mar dhow la ciyaaraysa Real Betis.
Daqiiqaddii shanaad ee bilowga ciyaarta ayuu Karim Benzema gool qurux badan ku furay ciyaarta markii uu baas ka helay Vinicius Junior oo goolka u hordhigay kubbad hal-taabasho oo kaliya uu Benzema ku dhamaystiray.
Los Blancos ayaa iska khasaarisay fursado kale oo ay hoggaanka ciyaarta kusii dheeraysan lahayd tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta, balse waxay sugeen illaa laga soo gaadhayay daqiiqadii 17aad oo uu Karim Benzema dhaliyey goolka labaad.
Goolkan ayaa waxa uu Karim Benzema ku jabiyey rikoodhkii gool-dhalinta Hugo Sanchez ee 234-ka gool, waxaana uu noqday goolkiisi 235aad, isaga oo sidaas ku noqday ciyaartoyga afraad ee ugu goolasha badan taariikhda horyaalka Spain.
Daqiiqaddii 42aad ayaa Real Madrid loo dhigay rkoodhe markii xerada ganaaxa lagu riday Lucas Vazquez, waxaana kubadda soo qaatay oo gool u beddelay Karim Benzema oo dhinaca qaldan u diray goolhayaha.
Almeria isma aanay dhiibin, waxaanay heshay hal gool ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, waxaana lagu kala nastay 3-1 ay hoggaanka haysay Real Madrid.
Laba daqiiqadood oo kaliya mrkii ay socotay qaybta labaad ayay Real Madrid keensatay goolka afraad, waxaana darbad uu bannaanka ka toogtay ugu saxeexay Rodrygo oo horena u caawiyey goolka labaad ee Karim Benzema.
Kooxda martida ahayd ee Almeria ayaa keensatay gool labaad oo ay awoodi waayeen inay wax kale raaciyaan, halka Karim Benzema iyo Marco Asensio ay biraha garaceen.
Waxa kale oo Real Madrid ay VAR ka diiday rikoodhe markii uu goolhayaha Almeria ee Fernando Martinez uu xerada ganaxa ku riday Benzema.