Waxaa heerkii ugu dambeeyay haatan soo gaaray howl-galka dib ugu soo laabashada Bernabeu, balse maadaama ay bilooyin kale sii qaadaneyso muddada ay kusoo laabaneyso Los Blancos garoonkeeda, waxay qorsheysnaa inay dhiggeeda ka dalbato inay garoonka la wadaagto.
Sababta ay Real Madrid ugu sii ciyaari karin Alfredo Di Stefano isla markaasna ay u raadineyso ku ciyaarista garoonka Wanda Metropolitano
Kooxda ugu guulaha badan horyaalka La Liga ayaa kulankii ugu dambeeyay ku ciyaartay Santiago Bernabeu 2-dii bisha March ee sanadkii 2020, waxaana tan iyo markaas ay kooxda Madrid ku ciyaareysay garoonka ay tababarka ku sameyso ee Alfredo Di Stefano.
Hase ahaatee, ADS ayaanan qaadi karin taageerayaasha loo ogolaaday kooxda inay usoo xaadiraan ciyaaraha horyaalka La Liga fasalka dambe kulammada garoonkeeda ee gaaraya 20,000 illaa 30,000 taageerayaal maadaama uu cabbirka qaadkiisu yaryahay.
Sidaas darteed, Los Blancos oo dooneysa inay ka faa’ideysato dhaqaalaha ay ka heleyso taageerayaasha loo ogolaaday inay usoo xaadiraan ayaa haatan ku fikireysa inay Atletico Madrid weydiisato inay la wadaagto garoonkeeda.
Xiriirka ka dhexeeya labada naadi
Xiriir wanaagsan ayaa ka dhexeeya kooxaha ku xifaaltama kubadda cagta Spain ee labada Madrid, waxayna Atletico hore u sheegtay inay ogolaaneyso in dhiggeeda ay la wadaagto garoonkeeda inta uu dib-u-naqshadeynta ku socdo garoonka Santiago Bernabeu sida uu xaqiijiyay madaxweynaha kooxdaas ee Enrique Cerezo sanadkii hore marka laga soo laabtay xannibaaddii wajiga koowaad ee uu sababay Korona Fayras.
Xilliga ay Real Madrid kusoo laabaneyso Bernabue
Marka meel la iska dhigo inay kusii ciyaari karto garoonka Wanda Metropolitano, Real Madrid ayaa dooneysa inaysan kusoo dag-dagin kusoo laabashada garoonkeeda koowaad ee Bernabeu.
Sidaas darteed, Madrid ayaa qorsheyneysa inay garoonkeeda weyn kusoo laabato bilaha September iyo October waxayna maamulka La Liga weydiisatay in si ay dan ugu jirto loo agaasimo jadwalka ciyaaraha horyaalka si ay u hesho kulammo badan oo bannaanka ah qaybta hore ee xilli ciyaareedka iyadoo horyaalka Spain uu furmi doono 13-ka bisha August.
Qaabka loo agaasimi karo jadwal habeysan
Maamulka La Liga ayaa Madrid siin kara kulammo badan oo ay bannaanka kusoo ciyaareyso (Away) si kulammada ay Wanda Metropolitano isticmaaleyso ay u yaraadaan baddelkeedna qaybaha dhexe ee xilli ciyaareedka iyo inta ku dambeysa ay kulammo badan ku ciyaarto garoonkeeda Bernabeu.
Sidoo kale, waxaa maamulka horyaalka Spain sugaya inuu maareeyo jadwalka ciyaaraha labada naadi isagoo maanka ku haya in bilahaas ay Los Blancos labo kulan oo Champions League ah ku ciyaareyso garoonkeeda.