Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay in aysan qorsheynayn wax saxiixyo cusub oo dheeraad ah, kaddib markii ay la wareegtay Álvaro Carreras. Sida uu sheegayo Marco Ruiz oo ka tirsan Diario AS, maamulka Los Blancos waxay u arkaan in kooxda ay haatan dhameystiran tahay oo ay diyaar u tahay xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda caasimadda Spain ayaa xagaagan ku bixisay €178 milyan, waxaana ay la soo saxiixatay xiddigaha Trent Alexander-Arnold, Franco Mastantuono, Dean Huijsen iyo Álvaro Carreras.
Inkasta oo lala xiriirinayay magacyo caan ah sida Ibrahima Konaté iyo Alexis Mac Allister oo ka tirsan Liverpool, Rodri oo Manchester City ah, iyo Enzo Fernandez oo Chelsea u ciyaara, haddana Real Madrid ma doonayso inay mar kale kharash badan ku bixiso suuqa.
Maamulka kooxda ayaa rumeysan in ay heli doonaan fursado ka wanaagsan mustaqbalka dhow – xagaaga dambe ama midka ka dambeeya.
Si kastaba ha ahaatee, tani micnaheedu ma aha in kooxda aysan iibin doonin ciyaartoy si ay u dheellitiraan miisaaniyadda kooxda.