Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa is-dhiibtay, isla markaana aqbashay in ay Barcelona usoo dedejiso waqtiga ay ku guuleysanayso horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo usbuuca dambe loo caleemo-saari doono Barca iyadoo afar ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Real Madrid ayaa dib u dhigi karaysay waqtiga ay Barcelona ku guuleysanayso horyaalka, waxaana si ay arrintaas u xaqiijiso ay booqatay Real Sociedad oo ay kala soo laabatay guul-darro xanuun kulul oo 2-0 ah.
Los BLancos oo ay ka maqnayeen shan ciyaartoy oo xiddigaha muhiimka ah ee kooxdiisa sida Karim Benzema, Vinicius Jr, Luka Modric, David Alaba iyo Camavingta ayay kooxdiisu u safartay Reale Seguros Stadium, waxaana qaybtii hore ay u muuqanayeen inay dagaallamayaan oo ay iska dhicinayaan kooxda hoygooda joogtay.
Fursadaha badan ee ciyaarta ayay lahyd Sociedad oo xiddigaheeda David Silva, Take Kubo iyo Mikel Oyarzabal ay nafta u keeneen difaaca Real Madrid.
Qalad xun oo uu sameeyey Eder Militao markii lagu soo noqday qabta labaad ayaa caawiyey Real Sociedad, ka hor intii aanu kaadh casaan ah qaadanin Dani Carvajal.
Daqiiqaddii 47aad ayuu Militao kubbad u dhiibay Take Kubo oo goolkiisa hor jooga, iyadoo uu qorshihiisu ahaa inuu u baaso Thibaut Courtois, waxaana uu laacibka reer Japan oo meel fog kasoo cararay uu si qalad la’aan ah kubadda ugu hubsaday shabaqa Los Blancos.
Take ayay Real Madrid ka iibisay Sociedad xagaagii kaddib sannado ay amaaho ku dirayeen, waxayse Los Blancos haysataa fursad ay qiime cayiman oo la isla sii meel-dhigay dib ugu soo iibsato.
Dani Carvajal ayaa laba kaadh oo digniin ah ku qaatay siddeed daqiiqadood gudahood. Midka hore ayaa waxa uu ku qaatay hadal markii uu garsooraha ka dalbaday inuu kaadh siiyo ciyaartoy jiitay, laakiin xaakimka ciyaarta oo lagu magacaabayay Juan Luis Pulido ayaa si lama filaan ah kaadhka u siiyey Carvajal.
Daqiiqaddii 61aad ayuu Carvajal qalad ku galay Munoz, waxaana loo taagay kaadhka labaad oo ciyaarta lagaga saaray. Los Blancos ayaa wixii intaa ka dambeeyey ay tamartoodu si weyn isku dhintay, waxaana dhamaadkii sii dilay Ander Barrenetxea oo beddel kusoo galay oo kubbad uu dhinaca bidix kasoo galay laad diciif ah oo dhulka socda ka hoos bixiyey Courtois.
Real Madrid ayaa waxay u dhici kartaa kaalinta saddexaad ee horyaalka LaLiga haddii ay Atletico Madrid guuleysato Arbacada, halka Barcelona ay u baahan tahay inay hal dhibic ka hesho ciyaarteeda dambe si ay ugu guuleysato horyaalka.