Real Madrid Oo Heshiis Cusub La Gaadhay Carlo Ancelotti Iyo Xulka Qaranka Brazil Oo Hungoobay

0
60

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshiis cusub la gaadhay tababaraheeda Carlo Ancelotti, waxaana uu qalinka ku duugayaa qandaraas kusii hayn doona Santiago Bernabeu illaa laga gaadhayo sannadka 2026.

Heshiiska uu Carlo Ancelotti kula jiray Real Madrid ayaa waxa uu ku ekaa June 2024 oo ah dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana tababaraha Talyaaniga ah lala xidhiidhinayay xulka qaranka Brazil oo la sheegay inuu heshiis la gaadhay.

Laakiin sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, Real Madrid ayaa waxa ay ku qancisay in uu sii joogo Santiago Bernabeu oo uu saxeexo heshiis cusub oo laba sannadood oo kale ku kordhinaya qandaraaskiisa.

Tababarahan hore ee AC Milan iyo Juventus, ayaa ogolaaday heshiiska cusub, waxaana hadda hadhsan shaacinta oo kaliya, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan in heshiisku uu yahay sannad kaliya.

Real Madrid oo isku diyaarinaysa safarka ay ku tegayso waddanka Sucuudiga oo ay semi-finalka tartanka Spanish Super Cup ku kulmayaan Atletico Madrid marka ay taariikhdu tahay January 10, 2024, ayaa haddii ay soo gudubto waxay finalka iskugu iman doonaan Barcelona iyo Osasuna midkooda soo guuleysta ciyaartooda January 14, 2024.

Xilli-ciyaareedkan socda, Real Madrid ayaa laga badiyey hal mar oo kaliya 24 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo ay dheeshay, waxaana ay wada guuleysatay dhamaan lixdii ciyaarood ee tartanka Champions League.