Real Madrid Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Man City.

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Man City kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa lugta 1-aad ee is reeb-reebka tartanka champions league.

Kulanka ayaa ahaa mid isku dheelitiran iyada oo kooxda walba doonaysay in ay badiso.

Real Madrid ayaa ku fiicnayd maamulista ciyaarta halkan ay Man City ahayd kooxda halista badan.

Daqiiqadii 19-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Erling Haaland kaas oo ciyaarta ka Dhigay 1/0.

Real Madrid ayaa dhalisay goolka bar-baraha daqiiqadii 60-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kylian Mbaple kaas oo ciyaarta ka Dhigay 1/.

Kooxda Man City ayaa rikoodhe loo dhigay daqiiqadii 80-aad waxana u dhaliyay xiddiga Erling Haaland kaas oo ciyaarta ka Dhigay 1/2.

Laakiin Real Madrid ayaa bar-baraha dhalisay daqiiqadii 86-aad waxana u dhaliyay xiddiga brahim Diaz kaas oo ciyaarta ka Dhigay 2/2.

Xiddiga Jude Bellingham ayaa daqiiqadii 90-aad dhaliyay goolka guusha ee kooxda Real Madrid.