Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul ku furatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, waxaanay 2-1 kusoo garaacday Almeria oo ay marti u ahayd, kulan uu tababare Carlo Ancelotti kusoo bilaabay saxeexyadiisii cusbaa.
Real Madrid ayaa difaacashada horyaalka LaLiga ee xilli ciyaareedka ku bilowday saddex dhibcood iyo guul soo laabasho ah oo ay kasoo gaadhay Almeria oo gool kaga naxsatay qaybtii hore, waxayse Los Blancos shaqaysatay qaybtii labaad oo ay keentay labada gool.
Real Madrid ayaa ku sigatay in gool kale laga dhaliyo daqiiqado yar kaddib, waxaana uu Largie Ramazani kubbad kasoo qaatay khadka dhexe markii uu xerada ganaaxa ula soo dhowaadayna waxa uu ku toogtay darbad xooggan oo waxyar ka dallacsantay.
Carlo Ancelotti ayaa isbeddelo uu ku faa’iiday sameeyey qaybtii labaad, waxaanu saaray da’yarka Faransiiska ee Camavinga oo ay ciyaartiisu liidatay, isaga oo keenay Luka Modric oo dejiyey kubaddii yara kala daadsanayd.
Kubbad uu Vinicius Junior goolka la tegay ayaa waxa iska soo difaacay goolhaye Fernando Martinez, waxaanay dib ugu soo noqotay Karim Benzema oo u dhiibay Lucas Vazquez oo lugta labaad ku dhamaystiray daqiiqaddii 61aad.
Goolkan ayaa xasilloonida kusoo celiyey Real Madrid oo intaa wixii ka dambeeyey si deggen u ciyaartay, iyadoo sidoo kalena ay weerar joogto ah ku hayeen goolka Almeria oo fursado badan oo ay heleen uu ka diiday goolhaye Fernando Martinez oo bandhig heersare ah sameeyey.
Mar kale ayuu Ancelotti sameeyey beddel kale oo uu ku faa’iiday, waxaana iyadoo ay kooxdiisu heshay laad xor ah markii qalad lagu galay Luka Modric uu soo geliyey David Alaba oo isaga oo aan kubbad kale taabanin loo daayey inuu qaato laadka xorta ah.
David Alaba ayaa darbad miisaaman oo lugta midig ah ku toogtay, waxaanu shabaqa ku hubsaday kubadda oo birta kusii dhacday ka hor intii aanay dhalanin, sidaas ayaanay Real Madrid hoggaanka ciyaarta ku qabatay daqiiqaddii 75aad.
Almeria ayaa intaas kaddib isasoo canaanatay, waxaanay qaadday weeraro halis ahaa oo midkood uu badbaadiyey Nacho, halka laba kale oo halis badnaana uu goolhaye Thibaut Courtois ku muujiyey inuu yahay goolhayaha ugu fiican waqtigan.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Real Madrid oo horyaalka LaLiga ku guuleysatay xilli ciyaareedkii hore.