Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay isaga hartay guud ahaan doonista xiddiga Manchester United khadka dhexe kaga ciyaara ee Paul Pogba.
Qandaraaska Pogba oo dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedkan awgiis, Madrid ayaa ka mid ah kooxaha lala xiriirinayay inuu ku biiri doono xagaaga dambe ama suuqa bisha January, hase ahaatee, kooxda reer Spain ayaa isaga baxday raacdadiisa, taasoo ka dhigan inay haatan Paris Saint-Gemain iyo Juventus oo qura ay ku tartami doonaan saxiixa kubbad-qaabeeyaha Faransiiska.
Si kastaba ha ahaatee, Foot Mercato ayaa sheegay inay Los Blancos isaga dhaaftay Pogba inuusan caqabad ku noqon horumarka iyo sare u kaca ay sameynayaan Eduardo Camavinga iyo Federico Valverde kuwaasoo ah da’yar tayo badan oo ka ciyaara khadka dhexe.
Pogba ayaa toddobo caawin sameeyay 13 kulan oo uu xilli ciyaareedkan u saftay Man United, hase ahaatee, waxa uusan wali xallin qandaraaskiisa Old Trafford ee sii dhacaya xilli ay xusid mudan tahay in laga billaabo 1-da Janaury ee 2022 uu xor u noqon doono inuu heshiis horudhac ah la sii gaari karo koox walba oo ka dhisan meel ka baxsan England.