Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa helaysa warar fiican oo u xaqiijinaya inay dib ugu soo laabanayaan xiddigo muhiim ah oo dhaawac kaga maqnaa, ka hor inta aanu dhamaanin sannadkan soo galbanaya ee ay saddexda usbuuc ka hadhsan yihiin. Ciyaarta ay Villarreal booqan doonto Santiago Bernabeu 17ka December, ayaa lagu soo dhoweyn doonaa labada ciyaartoy ee Arda Guler iyo Aurelien Tchouameni oo labaduba taam u noqon doona.
Warbaahinta Spain ayaa waxa sidoo kale maanta kasoo muuqday Vinicius Junior oo tababarka fudud bilaabay, isla markaana garoonka Valdebebas ay ku kormeerayaan dhakhaatiirta iyo tababareyaasha jidh-dhiska, waxaana loo ogolaaday in uu kubadda laadi karo.
Vincius Junior oo dhaawac muruqa ah uu kasoo gaadhay isaga oo u ciyaaraya xulka qarankiisa Brazil badhtamaha bishii Jovember, ayaa waxa hore loo sheegay in uu garoomada ka maqnaan doono illaa bisha February, laakiin hadda waxa uu bartilmaameesanayaa tartanka Spanish Supercup ee lagu qabanayo waddanka Sucuudiga usbuuca labaad ee bisha January.
Luka Modric iyo Kepa Arrizabalaga ayaa iyagu hore ugu soo laabtay tababarka, halka Jude Bellingham uu kulankii ugu dambeeyey ciyaaray isaga oo garabka uu kaga duuban yahay ilaaliye.