Real Madrid oo caawa bilaabanaysa loolanka ay u galayso ku guuleysiga Koobka kooxaha aduunka markii shanaad taariikhdeeda.

0
119

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa caawa bilaabanaysa loolanka ay u galayso ku guuleysiga Koobka kooxaha aduunka markii shanaad taariikhdeeda.

Madrid ayaa sanadkan kaliya la ciyaari karta kooxo Carbeed, caawa waxay iska hor tagayaan kooxda ree Masar ee Al Ahly oo qaarada Africa metelaysa halka ay Finalka ku sugayso kooxda Sucuudi Arabia ee Al Hilal oo xalay gudubtay.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Al Ahly waxa dhaawacyo kaga maqnaan doona xiddigaha kala ah Mostafa Shobeir, Karim Fouad, iyo Akram Tawfik laakiin tababare Marcelo Koller ayaysan werwer badan ku hayn maadaama uu badi xiddigihiisa waaweyn haysto.

Real Madrid ayaa dhinaceeda waayaysa xiddigaha kala ah Ferland MendyEden Hazard, Lucas Vazquez, Eder Militao, Thibaut Courtois, iyo Karim Benzema oo dhammaantood dhaawaan.

Valverde ayaa la filayaa inuu weerarka kula soo bilawdo Rodrygo iyo Vinicius iyadoo Ancelotti iska fadhiisinayo Marco Asensio.

Labada ruugcaddaa ee Kroos iyo Modric oo la nasiyay kulankii Mallorca ee Axadii ayaa khadka dhexe kula soo bilaabanaya Tchouameni.

David Alaba oo soo laabtay ayaa daafaca bidix dheeli doona halka Nacho daafaca dhexe kala ciyaari doono Rudiger.

Shaxaha Macquulka Ah

Al Ahly (4-1-4-1): Shenawy; Hany, Metwaly, Abdelmonem, Maaloul; Dieng; Kahraba, Magdy, SoliaFathi; Tau.

Real Madrid (4-3-3): Lunin; Carvajal, Nacho, Rudiger, Alaba; Kroos, Tchouameni, Modric; Valverde, Rodrygo, Vinicius Jr

Xogta Kulanka

Tartanka: Koobka kooxaha aduunka:

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Prince Moulay Abdellah Stadium

Garsoore: Andres Matonde (Uruguay)

Dalka: Morocco