Real Madrid Mise Arsenal? Tababare Xulka Spain Oo Saadaaliyay Kulanka Champions League.

0
58

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Spain Luis De La Fuente ayaa Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Champions League ee Arsenal iyo Real Madrid.

De La Fuente ayaa Saadaaliyay in ay Real Madrid samayn doonto Soo Laabasho cajiib ah kulanka lugta 2-aad ee tartanka champions league.

Arsenal ayaa lugtii hore ku badisay 3-0 oo ka dhacday garoonka Emirates Stadium.

Gunners ayaa haatan ku wajihi doonta Los Blancos garoonka Santiago Bernabeu kulanka lugta labaad maalinta Arbacada.

Real Madrid ayaa u baahan doonta mucjiso si ay Soo Laabasho u sameeyaan uguna gudbaan wareega xiga ee Tartanka.

Si kastaba ha ahaatee, De La Fuente ayaa aaminsan in kooxda La Liga ka dhisan ay garaaci karto Arsenal, isagoo intaa ku daray in ciyaartu ay weli furan tahay inkastoo kooxda martida ah ay faa’iido weyn ka heshay lugtii hore.

“Weli aad bay u furan tahay,” ayuu yidhi.

“Dhammaanteen waan ognahay sida ay Real Madrid ugu ciyaari karto gurigeeda, gaar ahaan Yurub, kama quusanayo kulankaas.”