Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daaficii hore ee Arsenal, Phillippe Senderos ayaa saadaaliyay kulanka Real Madrid ee lugta labaad ee wareega 8da Champions League ay la ciyaari doonto Gunners.
Kooxda Real Madrid ayaa caawa garoonkeeda Santiago Bernabeu ku soo dhawayn doonta kooxda Arsenal kulan ka tirsan lugta labaad ee siddeed dhamaadka Champions Leaque-ga.
Los Blancos ayaa 3-0 looga adkaaday lugtii hore ee todobaadkii hore ka dhacday garoonka Emirates.
Isagoo u waramayay majaladda AS ee kasoo baxda Spain wax ku saabsan kulanka lugta labaad ee Real Madrid ay la ciyaareyso Arsenal, ayaa taageeray kooxda Carlo Ancelotti inay garaacdo kooxda martida ah.
Sida laga soo xigtay isaga, Madrid lama dhayalsan karo maadaama ay gurigooda ku ciyaarayaan isla markaas taageerayaashoodu riixi oonaan si ay u badiyaan.
“Madrid waa koox aad u fiican, waa koox taariikh leh natiijadu waa mid aan fiicnayn laakiin waxa ay samayn karaan dhaawac weyn hadii ay si fiican u ciyaaraan”ayuu Senderos yidhi.
“Marka laga hadlayo Real wax walba waa suurtagal, waxa ay leeyihiin tayo cajiib ah isma dhiibi doonaan hadii ay fursad helaan”.
“Taageerayaashu waa ay riixi doonaan, goolkii ugu horeeyayna wuxuu bedeli karaa xaalada, way badin karaan”.