Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la burburiyey heshiiskii ay kula jirtay Eden Hazard

0
86

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la burburiyey heshiiskii ay kula jirtay xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard oo uu si xor ah uga tegi doono kaddib afar sannadood oo uu ku silcay Santiago Bernabeu oo uu kursiga kaydka iyo sariirta daaweynta dhaawacyada u dhexeeyey.

Real Madrid ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay, in ay si wada-jir ah iskula qaateen Eden Hazard in la kansalo oo la burburiyo heshiiskii u dhexeeyey, sidaas daraadeedna uu xiddiga Belgium xor ka yahay.

War-saxaafadeedka Real Madrid ayaa u qornaa sidan: “Real Madrid FC iyo Eden Hazard waxay heshiis ku gaadheen in ciyaartoygan kooxda laga fasaxo marka la gaadho June 30, 2023. Eden Hazard waxa uu kooxda ka mid aha afar sannadood, waxaana uu kula guuleystay siddeed koob oo kala ah: 1 European Cup, 1 Club World Cup, 1 European Super Cup, 2 Leagues, 1 Copa del Rey iyo 2 Spanish Super Cups.

“Real Madrid waxay muujinaysaa jacaylka ay u qabto Eden Hazard, waxaanay uga rajaynaysaa isaga iyo qoyskiisaba nasiib wanaagsan meesha cusub ee ay tegayaan.”

Waxa ka horreeyey oo isla maanta ay Real Madrid shaacisay in ay ka tegayaan labada ciyaartoy ee Marco Asensio iyo Mariano Diaz oo iyaguna ku bixi doona si xor ah, waxaana saddexdoodaba lagu soo daray liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kualnka Athletic Bilbao ee Axadda oo lagu sii sagootin doono.