Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degay magaalada Laascaanood.
Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal wasaaraha soo dhoweeyay.
Sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale, booqashada raysalwsaaraha ayaa ku salaysnaan doonta arrimaha amniga, dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo u-kuur-gelidda xaaladda dhabta ah ee ay ku nool yihiin dadka ku dhaqan SSC-Khaatumo.
Raysalwsaaraha ayaa lagu wadaa in uu la kulmo masuuliyiinta SSC-Khaatumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono iskaashiga iyo bulshada iyo arrimaha nabadda, sida uu baahiyay xafiiskiisu.