Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa liiska ciyaartoydiisa kulanka Arsenal ee maanta kusoo daray weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund iyo difaaca bidix ee reer Spain ee Sergio Reguilon oo ay u noqonayso markii koowaad ee ay xidhaan garanka Manchester United.
Red Devils ayaa u safartay London oo ay ku booqanayso Arsenal oo uu xafiiltan badan ka dhexeeyo, waxaanay labadoodaba u noqonaysaa tijaabooyin adag oo waqti bilow ah ay mari doonaan.
Ciyaartoyda Manchester United ayaa fiidkii xalay ka degay magaalada London si ay ugu sii nastaan kulanka adag ee Emirates Stadium, waxaana xiddigaha kooxda ee safarka qaybta ka ahaa ku jiray Hojlund oo dhaawac kaga maqnaa kulamadii kooxdiisa ee tan iyo markii uu kusoo biiray xagaaga, waxaana uu Ten Hag xaqiijiyey in uu taam u yahay ciyaartan.
Waxa kale oo safarka qayb ka noqday saddexda ciyaartoy ee Reguilon iyo Altay Bayindir oo maalintii ugu dambaysay suuqa ay Red Devils la saxeexatay iyo Jonny Evans oo heshiis sannad ah ay Red Devils ka saxeexday.
Xiddiga reer Morocco ee Sofyan Amrabat ayay Man United ka gaadhsiin weyday diiwaangelintiisa oo ka maqan kulankan, hase yeeshee waxa kale oo aan liiska ciyaartoyda safartay ku jirin Scott McTominay iyo Jadon Sancho, lamana hubo inay waqti damba ka daba-tegayaan iyo inay sidaas ku maqnaan doonaan maadaama oo aanay kooxdu wax war ah kasoo saarin maqnaanshahooda.
Xiddigaha Manchester United ee kulanka Arsenal oo dhamaystiran
Goolhayeyaal: Bayindir, Onana, Vitek
Difaacyahanno: Dalot, Evans, Lindelof, Maguire, Martinez, Reguilon, Wan-Bissaka
Khadka Dhexe: Casemiro, Eriksen, Hannibal, Fernandes, Gore
Weerarka: Antony, Hojlund, Garnacho, Martial, Rashford, Pellistri